789 Views

Madaxweynaha Faransiiska oo ku baaqay in hadalada xanafta leh aysan waxbo ka taraynin xaaladda dagaalka Ukraine

Madaxweynaha Faransiiska oo  ku baaqay in hadalada xanafta leh aysan waxbo ka taraynin xaaladda dagaalka Ukraine
____________________________________________________________________________

Isniin: March 28, 2022

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay in hadalada xanafta leh aysan waxbo ka taraynin xaaladda dagaalka Ukraine, in ay uga sii daraan mooyee.

Wuxuu hadlayay kadib markii madaxweynaha Maraykanka Biden uu Putin ku tilmaamay qalaa, ayna tahay in xukunka laga tuuro.

Macron ayaa warbaahinta Faransiiska u sheegay in ujeedka uu yahay in dagaalka la joojiyo, kadibna ciidamada Ruushka ay ka baxaan Ukraine, taasina aysan suurtogal ahayn inta ay socdaan hadala noocan ah.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in hadalka Biden uusan ka dhignayn in Maraykanka doonayo in la badelo hoggaanka Ruushka.

Macron ayaa xiriir joogto ah la lahaa hoggaamiyaha Ruushka Putin tan iyo intii uu dagaalka socday, labo maalmood kadibna ay ku balansanyihiin xiriir dhanka isgaarsiinta ah, isaga oo kala hadli doona sidii shacabka go’doonsan looga saari lahaa magaalada Mariupol.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post