1353 Views

Xildhibaano ku dhawaaqay in Rooble uu doonaayo muddo kordhin

Xildhibaano ku dhawaaqay in Rooble uu doonaayo muddo kordhin
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 08, 2021–Xildhibaano Muqdisho ku shiray oo gaaraya ku dhowaad 100 qof ayaa ku dhawaaqay Kutlada Badbaado Qaran.

Waxey sheegeen in Ra’iisul Wasaare Rooble damacsan yahay in berri baarlamaanka weydiisto muddo kordhin.

Xildhibaan Mahad Maxamed  Salaad oo ka mid ah xildhibaanada golaha Shacabka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu dhamaaday waqtigii la doortay, islamarkaana hadda uu yahay Madaxweynihii hore.

Xildhibaanka ayaa xusay in xildhibaanadaan ay ka shaqeyn doonaan in dalka aysan ka dhicin wax muddo kororsi ah ayna gaari doonaan go’aamo lagu badbaadinaayo dalka.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa dhamaaday muddo xileedkii loo igmaday in uu dalka hoggaamiyo, waxaana maamulada qaarkood iyo musharaxiinta ay sheegeen in aysan u aqoonsaneyn Madaxweyne.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post