441 Views

Qaar kamid ah Xujeydii Nayjeeriya oo sheegay in lagu cunsuriyeeyey aagga Muzdalifa sanadkan

Qaar kamid ah Xujeydii Nayjeeriya oo  sheegay in lagu cunsuriyeeyey aagga Muzdalifa sanadkan
____________________________________________________________________________

Isniin: July 11, 2022

Qaar kamid ah Xujeydii Nayjeeriya, ayaa sheegay in lagu cunsuriyeeyey aagga Muzdalifa sanadkan, ee gudashada waajibaadka Xajka ee Sucuudiga.

Dadka la wareystay ayaa sheegay inuu farqi uu u dhaxeeyo waxa maamulka Sucuudiga uu siiyo Xujeyda ka timid Nayjeeriya, iyo kuwa ka yimid meelaha kale.

Mid kamid ah dadkaasi oo lagu magacaabo Abubakar Badan, ayaa sheegay in marka la jooggo dhanka Muzdalifa in dadka ka yimid dalalka qaarkood sariiro loo geeyey, halka dhanka dadka ka soo xajiyey Nayjeeriya aaney oolin sariiro.

Wuxuu intaa ku darey Abubakar in marka ay doonayaan iney jiiftaan inay ku seexanayeen baakado, iyo wixii kale ee agab ah ee ay heli karayeen.

Xujeyda ayaa inta badan ka cabata in aanan la daboolin baahidooda, iyagoo taa eeddeeda dusha ka saara aalaaba mas’uuliyiinta dalka Sucuudiga.

Waxey sidoo kale Xujeyda sanadkani sheegeen iney yaraayeen dadka fidinaya adeegga caafimaadka, iyo cuntada la heli karayey.

Office Nairobi  Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post