267 Views

Maamulka Galmudug oo sheegay in xooggaga Al-Shabaab laga saaray 80% gobolka Galguduud ee dalka Soomaaliya.

Maamulka Galmudug oo  sheegay in xooggaga Al-Shabaab laga saaray 80% gobolka Galguduud ee dalka Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

Axad: January 29, 2023

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in xooggaga Al-Shabaab laga saaray 80% gobolka Galguduud ee dalka Soomaaliya.

Ciidanka maamulka goboleedka GalMudug, iyo kuwa dowladda Soomaaliya, ayaa haatan wuxuu yoolkoodu yahay inay gacanta ku dhigaan degmada Ceelbuur.

Degmadani, ayaa ah tan ugu weyn ee uu haatan ururkaasi kaga sugan yahay gobolka.

Galguduud, ayaa kamid ahayd gobollada ay ku xoog badnaayeen ururka Al-Shabaab, xiliyadii ugu dambeeyey lagu hayey duullaan xooggan.

Guddoomiyaha Galguduud Cilmi Cali Cabdi (Cilmi-Ganey), ayaa carabka ku dhuftay in haatan ciidamada ay ku hawlan yihiin, sidii ay uga bixin lahaayeen Alshabaab deegaanada ku xeeran Xarardheere.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post