1056 Views

Maamulka G/Banaadir oo amrey in la xiro Hoteelada & Maqaayadaha Xeebta liido

Maamulka G/Banaadir oo amrey in la xiro Hoteelada & Maqaayadaha Xeebta liido
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talaado     , March 31, 2020 —Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta ku dhawaaqey in gebi ahaanba la joojiyo goobaha Bulshada isugu timaado iyo in lagu dabaasho Xeebta Liido ee Magalada Muqdisho si looga hortago Cudurka Covid 19.

 

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo Akhriyey go’aamo kasoo baxey  Maamulka ayaa sheegay in dhamaan la xirayo Baararka iyo maqaayadaha dadka ay isugu yimaadaan ee lagu caweeyso sidoo kalena lagu cabo Shiishada ee ku yaalla Xeebta liido ee Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay  Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir in liido aan la geli karin laga bilaabo 6:00 subaxnimo ilaa 10: 00 Fiidnimo muddo laba Todobaad ah.

 

Ugu dambeyn  waxaa uu sheegay in la farayo Milkiilayaasha Maqaayadaha iyo Hoteelada ku yaalla Muqdisho inay yareeyaan kulamada isu imaatinka dadweynaha ah go’aamadaas oo uu sheegay inay yihin kuwo looga hortagayo Cudurka COVID 19.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment