531 Views

Faransiiska oo sheegay in 40 dagaalyahan lagu dilay xadka Benin iyo Burkina Faso

Faransiiska oo sheegay in 40 dagaalyahan lagu dilay xadka Benin iyo Burkina Faso
____________________________________________________________________________


axad: February 13, 2022

Faransiiska ayaa sheegay in ciidamadooda ay dileen afartan dagaalyahan oo dhawaan weeraro ka geystay xadka u dhaxeeya Benin iyo Burkina Faso. Sagaal qof oo uu ku jiro muwaadin Faransiis ah ayaa dhintay kadib markii baabuurtoodu ay ku dhufteen walxaha qarxa beerta qaranka ee waqooyiga Benin Talaadadii.

Milateriga Faransiiska ayaa sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn ay KU bartilmaamedsadeen mintidiinta ka dambeysay weerarradii Talaadadii wax yar uun ka dib markii ay u gudbeen Burkina Faso iyagoo wata mootooyin.

War qoraal ah ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu horeysay ay ku dhinteen ilaa toban ka mid ah mintidiinta ka dibna diyaarad dagaal la geeyay goobta taas oo dishay 30 kale.

Waxa ay sheegtay in dhammaan howlgalka lagu fuliyay heshiis lala galay maamulka Burkinabe.

In kasta oo aanay suurtogal ahayn in si madax bannaan loo xaqiijiyo waxa dhacay, haddana dadka qaar ayaa warkan u arki doona calaamad muujinaysa in Faransiisku weli aad loogu baahan yahay marka laga hadlayo dagaalka ka dhanka ah Islaamiyiinta gobolka.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa la filayaa in uu dhawaan ku dhawaaqo taariikhda kumanaanka askari ee Faransiiska laga saarayo dalka Mali kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo taliyayaasha militariga ee halkaasi ku sugan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post