825 Views

Wasiirkii hore ee ammniga Xundubey oo baajiyay kulan bari uu ku qaban lahaa Muqdisho

Wasiirkii hore ee ammniga Xundubey oo baajiyay kulan bari uu ku qaban lahaa Muqdisho
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 15, 2021

Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo ku laabtay Muqdisho kadib markii xilka laga qaaday maalmo ka hor, ayaa ka hadlay Qoraal uu saacado ka hor soo dhigay Bartiisa twitterka

Xasan Xundubey  ayaa aad uga carooday Xilka qaadistii uu ku sameeyay maalmo ka hor Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku badalay in uu Noqdo Wasiirka ammniga  Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur, balse Xundubey ayaa diiday oo sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadidaas.

Qoraal uu galabta soo dhigay bartiisa twitterka ayuu Xundubey ku shaaciyey inuu baajiyey shir jaraa’id oo uu ku soo bandhigi lahaa waxay Rooble isku hayaan, kadib markii sida uu sheegay ay lasoo xariireen waxgaradka beeshiisa.

“OGAYSIIN! Waxa aan horay u faafiyay in aan beri oo Taariikhdu tahay 16/09/21, 5:00pm aan  Muqdisho ku qaban doono SHIR-WARBAAHINEED. Haddaba, shirkaasi waa BAAQDAY. [WAAYO], waxgarad aad iigu weyn ayaa iga codsadeen in aan SHIRKAAS baajiyo. Wax-Garadkaasina waa ku mahadsanyihiin!” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xundubey.

Fariintii hore ee shirkaas jaraa’id uu ku iclaamiyey ayuu ku yiri, “Galabta Khamiista ah ee soo socota, ee Taariikhdu tahay 16/09/2021, 5:00pm waxa aan Magaalada Muqdisho ku qaban doonaa I.A. SHIR-JARAA’ID, oo aan uga warbixin doono: waxyaabaha aan isku qabanay oo aan isku haysano aniga & Rooble!”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post