846 Views

Sacduudiga oo bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay cimraysanayaan dadka iska tallaalay cudurka COVID-19.

Sacduudiga  oo  bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay cimraysanayaan dadka iska tallaalay cudurka COVID-19.
____________________________________________________________________________

April 7/4/2021

Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo saartay shuruud hor leh oo ay ku xireyso dadka caalamka kale ka imanaya ee doonaya inay tagaan Cumrada iyo kuwa salaada ku tukanaya masjidka Xaramka, laga bilaabo bisha Ramadaan.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in kaliya dadka iska tallaalay cudurka Coronavirus/COVID-19 loo ogolaan doono inay tagaan Cumrada.

Sidoo kale waxaa bayaankaas lagu sheegay in saddex nooc oo dad ah loo arki doono “kuwa tallaalan” – Kuwa qaatay labada goojo ee tallaalka, kuwa qaatay hal goojo ugu yaraan 14 maalmood kahor, iyo kuwa uu ku dhacay xanuunka ee kasoo bogsaday.

Shuruudahan oo ay wasaaraddu sheegtay inay dhaqan geli doonto bisha Ramadaan ee bartamaha bishan April, ayaa waxa xiligaas wixii ka dambeeya loo ogolaan doonaa dadka Tallaalan oo keliya inay gutaan Cumrada ama ay Salaad ku tukadaan Masjidka Xaramka, iyo Masjidka Nebiga NNKH.

Siyaasaddan cusub ee uu soo saaray Wasiirka cusub ee Wasaarada Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa si faah-faahsan loogu sheegin in shuruudahan ay ku egyihiin oo keliya inta lagu gudo jiro Ramadaanka. Mana cadda, haddii siyaasaddan lagu dabaqi doono Xajka.

Tan iyo markii uu bilowday cudurka Coronavirus waxaa hoos u dhacday dadkii tagi jirey Xaramka, waxaana Xajkii 2020-ka ka qeyb-galay kaliya 10,000 oo qof oo ahaa dad degan Sacuudi Carabiya, taas oo aad uga yareyd ka qeyb-galayaashii 2019-ka oo ahaa 2.5 milyan oo qof oo ka kala yimid daafaha adduunka.



Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post