3018 Views

Xulkeenna Soomaaliya oo soo bandhigay Ciyaar aad u sareysa balse Nasiibka uu ka Hiiliyay

Xulkeenna Soomaaliya oo soo bandhigay Ciyaar aad u sareysa balse Nasiibka uu ka Hiiliyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 29, 2018 – Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiisa badneyd una dhaxeysay Xulalka 17-jirada ee Soomaaliya iyo Tanzaaniya ayaa goordhow ku soo idlaatay magaalada Bujunbura ee dalka Burundi,waxaana 2-0 guusha ay ku raacday Xulka dalka Tanzaania.

Ciyaarta waxa ay qeybtii hore ku bilaabatay weerar iyo weerar celis oo ay Soomaaliya ku gacan sarreysay,Daqiiqadihii hore waxaa da’ay Roob oo ku dhowaad 30-daqiiqo sabab u noqday in ciyaarta la hakiyo.

Markii la soo laabtay ayaa Xulkeenna Soomaaliya ee 17-sano jirada ay halkoodii ka sii waday beegsigoodii Goolka Xulka Tanzaaniya,waxaana u suurta gashay iney dhaliyaan labo gool,balse garsooraha uu ka diiday.

Ciyaarta ayaa waxaa daawanayay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Ra’iisal wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) iyo Mas’uuliyiin ka socday Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya iyo Africa.

Xulka Qaranka Soomaaliya matelya ee 17-jirada ayaa waxaa  wareegi Sami-finalka kasoo badiyeen Uganda oo ay ku garaaceen 1-0, halka Tanzania ay 2-1 uga soo badisay Kenya.

Sidoo kale Xulka da’yarta ee 17-jirada Soomaaliya waxa ay horay uga soo badiyeen xulalka Ethiopia, Kenya, Uganda iyo Burundi oo ay barbarro galeen.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment