1188 Views

Dalalka Turkey iyo Imaaraadka Carabta oo kala saxiixday heshiis ku kacaya balaayiin doolar,

Dalalka Turkey iyo Imaaraadka Carabta oo  kala saxiixday heshiis ku kacaya balaayiin doolar,
____________________________________________________________________________


khamiis: November 25, 2021

Turkey iyo Imaaraadka Carabta ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya balaayiin doolar, oo ay qeyb ka yihiin taknoolajiyadda iyo tamarta kadib sanado ay xiisad siyaasadeed ka dhaxeysay labada dal.

Heshiiska ayaa lagu saxiixay magaalada Ankara kadib wada-hadallo ay yeesheen madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan iyo dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan.

Booqashada Sheikh Mohammed ee Ankara, oo aheyd tii ugu horreysay muddo toban sano ah, ayaa timid ayada oo labada dal ay ka shaqeynayaan inay hagaajiyaan xiriirkooda, xilli ay jirto xasarad lacag oo ka taagan Turkey, ayada oo qiimaha lacagta Lira ay hoos u dhacday.

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday shirkadda horumarinta ee Abu Dhabi Development Holding (ADQ) iyo sanduuqa dhaqaalaha Turkey ee Turkish Wealth Fund (TVF) iyo sidoo kale xafiiska maal-gashiga ee madaxweynaha Turkey.

Heshiisyada ayaa astaan u ah in labada dal ay u jiheysteen iskaashi kadib sanado ay ku dagaalamayeen saameynta gobolka tan iyo markii uu kacdoonkii gu’ga Carabta qarxay toban sano kahor.

Sheikh Mohammed ayaa sheegay inuu wada-hadallo miro-dhal ah, oo ku aadan xoojinta xiriirka labada dal, la yeeshay Erdogan

 “Waxaan sugayaa inaan sahmino fursado iskaashi oo cusub oo u faa’iideeya labadeena dal, islamarkaana horumariya hadafyadeena horumarineed,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter. 

Heshiiska labada dal ayaa ku kacaya 10 bilyan oo dollar oo Imaaraadka ay maal-gasho uga sameynayaan Turkey. 

Turkey oo xiisad ay kala dhaxeysay dalal badan oo ka mid ah kuwa Bariga Dhexe ayaa bilihii tegay billowday dadaallo ay ku abuureyso xiriir wanaagsan, ayada oo wada-hadallo la furtay dalal ay ka mid yihiin Masar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post