267 Views

Dr. Cabdiweli Gaas oo ka digay in dagaal sokeeye uu ka dhaco Puntland, haddii la isku dayo muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda.

Dr. Cabdiweli Gaas oo  ka digay in dagaal sokeeye uu ka dhaco Puntland, haddii la isku dayo muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda.
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 5, 2022

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedyada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka digay in dagaal sokeeye uu ka dhaco Puntland, haddii la isku dayo muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda.

Maamulka Puntland ayaa ah kan kaliya ee aan wax muddo kororsi ah sameyn, ayada oo maamul goboleedyada kale ee dalka uu midkiiba hal sano ku daray muddada sharciyeed ee baarlamanka iyo madaxweyne goboleedka.

Balse Puntland ayaa waxay uga duwan tahay in muddo xileedka hay’adaha dowladda uu yahay 5 sano, halka maamul goboleedyada kale iyo federaalka uu yahay 4 sano. 

Gaas, oo sidoo kale soo noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in Puntland hal mar ay mudda kororsi soo martay, markaasna uu ka dhacay dagaal sokeeye.

“Puntland ku darsasho mar bay soo martay, 2001-dii bay hayd, Cabdullaahi Yuusuf baa sameeyay, wixii ka dhacay waa la ogaa civil war (dagaal sokeeye) bay abuurtay,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Puntland.

Dr. Cabdiweli Gaas ayaa kamid noqday siyaasiyiinta sida weyn uga digaya in Puntland lagu dayo mudda kororsi, haddii taasi dhacdana ay horseedi doonto qalalaase siyaasadeed iyo amni-xumo baahsan.

Dhinaca kale, Cabdiweli Gaas ayaa tilmaamay in doorashooyinka golayaasha degaanka lagu qaban karo qof iyo cod, haddii ay dowladda ka go’antahay in ay hirgeliso doorashooyinkaas.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa 18-kii September sheegay in doorashada madaxtinimada Puntland ay ku dhici doonto waqtigeedii 8-da January 2024, islamarkaana aanu waxba iska beddelin jadwalkaas.



Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post