1200 Views

Nigeria oo amar ku bixiyey in si degdeg ah albaabbada la isugu dhufto iskuulada qaar

Nigeria oo  amar ku bixiyey in si degdeg ah albaabbada la isugu dhufto iskuulada qaar
____________________________________________________________________________

 Talaado: July 6, 2021


Hay’adaha dowliga ee gobolka Kaduna ee dalka Nigeria ayaa amar ku bixiyey in si degdeg ah albaabbada la isugu dhufto iskuulada gobolkaas.

Tani ayaa imaaneysa maalin kadib markii dabley hubeysan ay afduubteen ilaa boqol iyo konton arday oo dhiganayay dugsi sare oo boodhin ah.

Dhibaatada afduubka ee Nigeria ayaa ka sii daraysay sanadihii dambe, Ciidamada amaanka ayaa hadda ku howlan baadigoobka afduubayaasha si ay u soo badbaadiyaan ardaydaas.

Tan iyo bishii Diseembar, in ka badan 1,000 arday ayaa loo afduubay lacag madax-furasho ah iyada oo ku dhowaad tobaneeyana ay toogteen kooxo burcad ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post