648 Views

Koonfur Galbeed: Marnaba ma aqbalayno damaca shakhsiga ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble

Koonfur Galbeed: Marnaba ma aqbalayno damaca shakhsiga ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble
____________________________________________________________________________


Talaado: April 5, 2022

 

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shaacisay inay hakisay wadashaqeyntii Ra’iisulwasaare Rooble ee arrimaha doorashada.

Koonfur Galbeed ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay caddeynayso in go’aanka kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid sharci darro ah oo baal marsan go’aannadii iyo heshiisyadii wadar-ogolka ahaa ee ay dajisay Madasha Wadatashiga Qaranka.

Waxaa sidoo kale qoraalka ka soo baxay Koonfur Galbeed lagu sheegay in marnaba aysan aqbali doonin “damaca shakhsiga ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble oo muddooyinkii u dambeeyay xadgudub joogta ah ku hayay madax bannaanida Guddiyada Doorashooyinka.”

“Dowladda Koonfur Galbeed waxay si dhaw ula socotay in Ra’iisul Wasaaraha uu si sharci darro ah oo dano siyaasadeed ay ku jiraan uu u hor istaagay kuraas habraac sax lagu doortay, wuxuuna ka dhaga adaygay inuu joojiyo faragelinra qaawan ee uu ku hayay doorashooyinka Koonfur Galbeed.” Ayaa isla bayaanka ka soo baxay Koondur Galbeed lagu yiri.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post