330 Views

Booliska Israa’iil oo sheegay in 13 jir Falastiini ah uu gaystay weerrar ka dhacay xaafad ka baxsan aagga qadiimiga ah ee magaalada Qudus

Booliska Israa’iil oo  sheegay in 13 jir Falastiini ah uu gaystay weerrar ka dhacay xaafad ka baxsan aagga qadiimiga ah ee magaalada Qudus
____________________________________________________________________________

Sabti: January 28 2023

 Booliska Israa’iil ayaa sheegay in 13 jir Falastiini ah uu gaystay weerrar ka dhacay xaafad ka baxsan aagga qadiimiga ah ee magaalada Qudus kaas oo wiil iyo aabihii ay si xun ugu dhaawacmeen.

Wiilka da’da yar ee weerrarka gaystay ayaa markii dambe toogasho lagu dhaawacay.

Weerrarkan ayaa imanaya maalin uun kaddib markii Falastiini hubaysan uu todoba qof ku dilay meel u dhaw kaniisad.

Iyagoo ka jawaabaya weerraradaasi ayaa booliska waxa ay sare u qaadeen heer feejignaanta iyagoo gaarsiiyay meeshii ugu sarraysay, halka milateriga Israa’iil uu sheegay inay xoojin doonaan ciidammada ka jooga Daanta Galbeed ee la haysto.

Khamiistii, sagaal Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay howlgal milateriga Israa’iil ay ka fuliyeen magaalo ku taal Daanta Galbeed ee la haysto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post