1491 Views

Dagaal Ciidamada Dowladda Iyo Al-Shabaab Ku Dhexmaray Gobolka Gedo

Dagaal Ciidamada Dowladda Iyo Al-Shabaab Ku Dhexmaray Gobolka Gedo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 20, 2019 –Wararka aan ka heleyno Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qadeen Saldhiga Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Degmada Garbahaareey,waxaana intaasi ka dib bilowday daagal culus oo la isku adeegsaday hubka noocayadiisa kala duwan.

Dad ku sugan Garbahaareey oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa wxaa ay u sheegeen in dagalkaasi uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

. Dhinaca kale Sarakiisha Ciidanka dowladda ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii Al-shabaab ay kusoo qaadeen,isla markaana  guulo ka sheegtay dagaalkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamo dowladda Itoobiya oo Saldhiga ku leh duleedka Garbahaareey ayaa madaafiic ku garaacay halkaasi weerarka marka hore laga soo qaaday.

War qoraal ah oo lagu baahiyay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen in Ciidamo ka tirsan iyaga ay gudaha Garbahaareey kula dagaalamyeen Ciidanka Itoobiya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment