1260 Views

Xisbiga Sheekh Shariif oo dacwad ka gudbiyey Xukumadda Somalia

Xisbiga Sheekh Shariif oo dacwad ka gudbiyey Xukumadda Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 06, -2019 —Xisbiga uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee Himilo Qaran ayaa goordhow shaaciyay in dacwad ka dhan ah Xukuumadda Soomaaliya u gudbiyeen Maxkamada sare ee dalka.

 

Sanoter Ilyaas Cali Xasan oo katirsan Madaxda Xisbiga ayaa sheegay in dacwadaas ay la xiriirto xayiraadii Dowladda Soomaaliya iyo diidmadii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya xilli uu ku wajahnaa Magalada Kismaayo 22-kii Bishii Setember ee sanadkaan 2019.

 

 

 

Isaga oo Akhrinayay War-Saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayuu sheegay in si aan sharciga waafaqsaneyn loola dhaqmay Madaxweynihii hore Soomaaliya,isla markaana Xisbiga Himilo qaran uu Go’aansaday in uu sharciga la tiigsado laanta fulinta oo amarkaasi bixisay.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment