351 Views

Boqor Charles-ka saddexaad cusub ee UK oo maanta xilka loo caleema saarayo

Boqor Charles-ka saddexaad cusub ee UK oo maanta xilka loo caleema saarayo
____________________________________________________________________________

Sabti: SEPTEMBER 10, 2022

Boqor Charles-ka saddexaad ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa inuu yahay boqorka cusub ee UK, ka dib munaasabad lagu qaban doono qasriga St James’s ee London saacadaha soo socda.

Boqorada Elizabeth wiilkeeda curadka ah ayaa si toos ah u noqday boqor, ka dib dhimashadeeda, laakiin Golaha ansixinta – oo ah hay’ad soo jirtay waqtiyadii Anglo Saxon – ayaa xaqiijin doona doorkiisa ka dib kulan taariikhi ah oo markii ugu horeysay laga daawado telefishinka.

Dhinaca lale, magaalada Edinburgh ee caasimada Scotland waxaa ka bilowday diyaar garow loogu jiro soo dhaweynta naxashka boqoradda.

Waddooyinka ayaa la xiray, waxaana la sameeyay baro koontorool. Naxashka ayaa la filayaa in laga qaado qalcadda Balmoral halkaas oo ay ku geeriyootay, waxaana Axadda la geyn doonaa qasriga Holy-rood-house ee Edinburgh.

Waxaa la filayaa in intaas ka dib, dadweynaha loo oggolaado inay arkaan naxashka ka hor inta aan la geyn London maalinta Talaadada ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post