831 Views

Wasiirka Difaaca Somalia oo booqday dhaawacyada askar ka tirsan ciidanka Gorgor oo ku soo dhaawacmay weeraradii Al-shabaab ee Bariire iyo Aw-dheegle

Wasiirka Difaaca Somalia oo  booqday dhaawacyada askar ka tirsan ciidanka Gorgor oo ku soo dhaawacmay weeraradii Al-shabaab ee  Bariire iyo Aw-dheegle
____________________________________________________________________________

April: Hol 5/4/2021

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia Xasan Xuseen Xaaji ayaa ku booqday Isbitaalka xoogga ee magaalada Muqdisho dhaawacyada askar ka tirsan ciidanka Gorgor oo ku soo dhaawacmay weeraradii shalay Al-shabaab ku qaadeen Bariire iyo Aw-dheegle.

Xasan Xuseen Xaaji ayaa mid mid u wareystay askarta dhaawaca ah iyo xaaladooda, isagoo warbixin ka dhegeystay dhaqaatiirta la tacaaleysa.

“Waxaad ku dhaawacanteen Difaaca dadkiina , dalkiin iyo diinteenna, naftiina ayaad u hurteen difaaca qaranimada Soomaaliya, Taariikhdana baal-dahab ah ayaad ka gasheen dadkiinana waa idin xusuusan doonaan oo qalbiyadooda kama go’i doontaan” ayuu yiri Wasiir Difaaca Soomaaliya oo la hadlayey askartaas.

Sidoo kale Waxa uu u rajeeyay Caafimaad taam ah , isagoo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka heli doonaan daryeel iyo ka warqab joogto ah

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post