822 Views

Janaraal Xuud “Waxaan u soconnaa in aan dhisno maamul-goboleedka Hiraan ee uma soconno inaan Hirshabeelle wax ku darsanno”

Janaraal Xuud “Waxaan u soconnaa in aan dhisno maamul-goboleedka Hiraan ee uma soconno inaan Hirshabeelle wax ku darsanno”
____________________________________________________________________________


isniin: January 3, 2022

Janaraal Abuukar Xaaji Warsame oo ku magac dheer Janaraal Xuud oo in muddo ahba ka soo horjeeday maamulka Hirshabeelle ayaa beeniyay in isagu uu lahaa mas’uuliyadda dagaal shalay ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, wuxuuna sidoo kale beeniyay in uu xiriir kala dhaxeeyo ururka Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa imaanaya saacado kaddib markii maamulka gobolka Hiiraan uu janaraal Xuud ku eedeeyay in uu weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo u socday hawlgal ka dhan ah ururuka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Hirraan, Cali Jayte Cusmaan, oo la hadlayay warbaahinta ayaa janaraalka iyo ciidamadiisa ku eedeeyay in ay waddada u galeen ciidamada dowladda oo ku socday Al-Shabaab.

Haseyeeshee Janaraal Xuud oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Qowlad oo qiyaastii 12Km waqooyi uga beegan xaruunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne uu ahaa mid lagu soo qaaday fariisamahooda.

Waxa uu sheegay in ujeeddadiisu tahay dhismaha maamul goboleed lagu magacaabo Hiraan oo aysan dooneyn in ay wax la qeybsadaan maamulka haatan jira ee Hirshabeelle ee uu Cali Guudlaawe madaxweynaha ka yahay.

Waxa uu dowladda federaalka ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay diiday in ay wadahadal iyo heshiis la gasho ciidamadiisa, sidaa awgeedna ay xoog iyo cabburin ku dhistay maamulka haatan ka jira Hirshabelle.

“Maammul la yirahdo Hirshabelle kama jiro Hiiraan . Waxa dhacaya oo dhan, waxay u dhacayaan waa intaa. Sida dowladda federaalka khasabka iyo juujuubka ah ee ay ku dhisatay (maamulka Hirshabelle) si aan aqbali karno oo aan yeeli karno ma aha. Annaga Hiiraan baa nala yirahdaa…gobolkan waa gobol gobolladii kale ka haray, xaqdarrada intaasi la’eg oo nagula sameeyay ayaan ka dhiidhinay oo aan diidannahay”, ayuu yiri Janaraal Xuud.

Janaraal Xuud ayaa sheegay in madaxtinnimada gobolkaasi ay qaateen dad uu sheegay in aysan u dhalan gobolkaasi oo ujeedadoodu ay tahay buu yiri in ay madaxtinnimo ku helaan sidaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in hadda uu isaga gacanta ku hayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Balse waxaa ilaa xalay magaalada ka socday dedaallo la doonayay in si nabad ah ay magaalada ku yimaadaan Cali Jeyte iyo ciidamadii la socday ee shalay dagaalka ku galay deegaanka Qowlad iyo in janaraal Xuud uu ka baxo magaalada isla markaana xabbad dambe aysan ka dhicin.

Magaalada Beledweyne ayaa shalay oo dhan waxaa ka jiray dibadbax ka dhan ah dagaalkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Hiraan, Cali Jeyte, wuu sheegay in dagaalkii shalay dhacay ay iyaga guushu ku raacday isla markaana ciidamadii ka soo horjeeday ay u cararreen dhanka dhul sida uu sheegay ay joogaan Al-Shabaab, wuxuuna intaasi ku daray in Beledweyne ay ku soo rogeen bandow isla markaana hawlgallada socda ay sii wadi doonaan balse ilo lagu kalsoon yahay ayaa BBC-da u sheegay in bandowgaasi uusan wali dhaqangelin oo xalay ilaa xilli dambe ay magaaladu ka socdeen muddaharaadyo looga soo horjeedo dagaalkaasi iyo maamulka Hirshabelle.

Dagaalladii hore

Dagaalka shalay ka dhacay deegaanka Qowlad wuxuu saameyn weyn ku yeeshtay gudaha magaalada Beledweyne, waxana dhammaan istaagay ganacsigii magaalada, iyadoo dad careysanna ay xireen qaar ka mid ah waddooyinka magaaladaasi.

Dagaalkan ayaa daba socday dagaal Jimcihi ka dhacay magaalada Beledweyne oo u dhaxeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa ammaanka gobolka Hiiraan, kaa oo ay ku dhinteen ugu yaraan shan qof.

Dhammaadkii bishii Agosto ee sanadkii tegay ayay ahayd markii ciidammo ka tirsan milateriga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Hirshabeelle oo diidan maamulka Hirshabelle ay qabsadeen xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

Xiisaddaasi ayaa xilligaa waxaa sida la sheegay qaboojiyay ugaaska deegaanka oo ka dalbaday ciidamadii xarunta qabsaday in aanay tallaabo kale qaadin.

Afartii bishii Luuliyo ee isla sanadkaasi ayey aheyd markii xiisad ay ka dhalatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kaddib iska hor’imaadyo ka dhacay halkaasi.

Rasaas goos goos ah ayaa ka dhacday gudaha magaalada, iyadoo iska hor’imaadyadaasi ay dhex marayeen ciidamada dawladda iyo miliishiyo taabacsan Janaraal Abuukar Xuud oo ka soo horjeeda maamulka Hirshabeelle.

Waqtigaas dad kala duwan oo ku sugnaa magaalada Baledweyne oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in hal qof uu ku dhaawacmay dagaalka.

Golaha kacdoonka gobolka Hiiraan ee uu horkacayo Janaraal Xuud ayaa sheegaya in aysan aqbali doonin in maamulka Hirshabelle uu ka shaqeeyo gobolka Hiiraan, taa oo sababtay in madaxweynaha maamulkaasi uusan wali tagin magaalada Beledweyne.

Waa kuma Janaraal Xuud?

Janaraal Xuud, ma ahayn nin horey loo yaqiinay ka hor inta uusan ku dhawaaqin in uu hormud u yahay kooxdan la baxday Golaha kacdoonka gobolka Hiiraan ee ka soo horjeeda maamulka Hirshabelle . Wuxuu soo caan baxay sanadkii 2020 markii uu sheegay in hoggaaminaya kacadoonka ka dhanka ah maamulka cusub ee Hirshabelle.

Wuxuu horay u ahaa janaraal ka tirsan milatariga Soomaaliya xilligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Wuxuu ka soo qeybgalay dagaalkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhacay toddobaatameeyadii.

Sida uu sheegay, wuxuu soo noqday abaanduulihii ciidanka ururka 13-aad ee Magaalada Jigjiga, taliyihii guutada 22-aad ee Magaalada Gibileey, Taliyihii dugsiga Mandheera, taliyihii gaaska 5-aad Laascaanood.

kaddib burburkii Soomaaliya waxaa la sheegaaa in uu in badan wakhtigiisa ku soo qaatay dibadda.

Waxa la sheegayaa inuu la taliye dhinaca ammaanka u ahaa dolwadii Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee ku meel gaarka ahayd.

Wuxuuna haatan ku doodayaa in uusan aqoonsaneyn maamulka Hirshabeelle ee uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe, isagoo u arka in laga sadbursaday beesha uu ka soo jeeda ee dagta gobolka Hiiraan.

Wuxuu in muddo ah horkacayay ciidamo abaabulan oo hubeysan oo ku sugan duleedka Beledweyne, wuxuu isu arkaa in uu yahay qof u dirirayo xuquuqda shacabka Hiiraan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post