654 Views

Deni oo gaaray Gaalkacyo iyo Koonfurta iyo Waqooyiga oo laga soo dhaweeyay

Deni oo gaaray  Gaalkacyo iyo Koonfurta iyo Waqooyiga oo laga soo dhaweeyay
____________________________________________________________________________

Arbaco: September 8, 2021

 Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni  ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo  ee Xarunta Gobolka Mudug .

Soo dhoweynta Madaxweyne Deni  waxaa ka qeybagalay Xubno ka mid ah goleyaasha Dowladda ee Maamulada Puntland iyo Galmudug iyo Masuuliyiinta gobolka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo ee labada dhinac Galmudug iyo Puntland, Saraakiisha laamaha Amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshaweynta magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa sida qorshaysan xarigga ka jaraya garoonka kubadda Cagta Gaalkacyo ee Cawaale Studium oo si casriya loo dhisay.

Sidoo kale, wuxu kulamo kala duwan la qaadan doonaa odayaasha dhaqanka iyo bulshada kala duwan ee  Magaallada Gaalkacyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post