786 Views

Maxkamada sare Maraykanka oo soo saartay in sharciga degenaanshaha dalkaas

Maxkamada sare Maraykanka oo soo  saartay in sharciga degenaanshaha dalkaas
____________________________________________________________________________

June 8 2021

Maxkamada ayaa go’aan ka soo saartay in sharciga degenaanshaha ee loo yaqaano Kaarka Cagaaran (Green Card) aan loo ogolaanin qofkii haysta waxa loo yaqaano Sharciga ku meel gaarka ah Temporary Protected Status (TPS), haddii uu qofku si sharci daro ah dalka ku soo galay markii uu is dhiibayey ama uu codsiga degenaansha dalka codsanayey.

Go’aanka  ka soo baxay Maxkamada dalka Mareyka ugu sarreeysa ayaa dhabar jab ku ah dad badan oo Soomaaliyeed iyo qoomiyadaha kaleba ee soo galootiga ku ah dalkaas, kuwaas oo muddo sugayay sharci rasmi ah.

Qareenadda  iyo sharci yaqaanadda ayaa ku dhiirigelinaya qof kasta oo ay arrintani saameeyn ku leedahay in ay la xiriiraan qofka u qareen ah si ay uga helaan wixii faah faahin ah ee la xiriira g’aanka Maxkamada.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa ku nool Soomaali aad u farabadan, kuwaas oo qaarkood heysta sharci rasmi ah halka qaar ay si sharci darro ah ku joogaan, iyada oo Go’aanka kasoo baxay Maxkamadda uu saameyn doono.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post