1032 Views

Xuska Maalinta dhir beerista Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska Maalinta dhir beerista Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

April 17, 2022

 Weyneynta xuska maalinta dhir-beerista Qaranka Soomaaliyeed oo ku beegan 17 April  iyo daahfurka Olale  lagu beerayo in ka badan toban kun  oo geed ayey ku saabsaneyd munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Xukumadda federaalka ah ee Soomaaliya, isla markaana uu goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Aadan Macalin Soomaali, Wasiirada Xanaanda Xoolaha ee Hirshabelle iyo Jubbaland, Ururada ka shaqeeya arrimaha Xoolaha, qeybaha kala duwan ee shaqalaha Wasaaradda iyo marti sharaf kale

Munaasabada oo lagu soo bandhigay Fa’iidada ay dhirtu leedahay iyo Dhibaatada laga dhaxlo nabaad guurka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay  Agaasimaha Waaxda Dhirta iyo Daaqa ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dr Xaashi Cismaan Maxamed iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Cumar Nuur, kuwaasi oo xusay in dhirta ay u leedahay bulshada faa’iidooyin badan.

Wasiirada Xananada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee maamul Goboleedyada Hirshabelle iyo Jubbaland ayaa dhankooda sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii loo ilaalin lahaa dhirta oo faa’iido u leh dadka iyo duunyada, lagana hortago cidkasta oo dhirta xaalufineysa.

Wasiirka Xanaanada ,Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin Soomaali oo munasabada soo xiray ayaa xusay in Ilaalinta dhirta ay muhiimad weyn ugu fadhiso Qaranka, ka Wasaarad ahaana ay ka shaqeyn doonaan sidii loo kobcin lahaa, loogana hortagi lahaa xaalufinta iyo nabaad guurka lagu hayo dhirta.

Dhinaca kale Wasiir Maxamed Soomaali ayaa tilmaamay inay soo celin doonaan kooxdii Waxool, isla markaana ay qaban doonaan kulamo Isboorti oo lagu weyneynayo maalinta dhir beerista Qaranka  Soomaaliyeed

Ugu dambeyn Mas’uuliyiinta  ayaa xaruunta dhexe ee Wasaaradda Xanaaada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya ka  daahfuray  Olalaha  lagu beerayo in ka badan toban kun  oo geed, waxeyna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeyn iney ka shaqeeyaan sidii dalka oo dhan dhir beeris loogu sameyn lahaa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post