1785 Views

Kooxaha ADF iyo Al-shabaab oo dhuunta u galay Dowlada Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni

Kooxaha ADF iyo Al-shabaab oo dhuunta u galay Dowlada Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni
____________________________________________________________________________

 
khamiis: October 28, 2021

 Intii ay socdeen dagaalka iyo xiisadihii ka dhashay dowladdii xukunka la wareegtay kaddib xornimadii, Uganda waxaa ka soo ifbaxay kooxo badan oo mucaarad ah. Qaar badan oo kooxahaas ka tirsan ayaa haatan suulay. Kuwa kale ee weli jirana kama howl-galaan Uganda amaba khatar toos ah kuma aha maamulka Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni. Balse waxaa jira kuwo yar oo khatar ku ah dalkaas.

Weerarkii 21-kii bishan lagu qaaday maqaayad ku taalla dalkaas ayaa waxaa ku dhintay labo qof halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay booliiska Uganda. Sidii kalena 25-kii bishan shil gaari ayaa waxaa ku dhintay qof lagu sheegay inuu doonayay inuu is qarxiyo, inkastoo dad kalena uu dhaawac ka soo gaaray.

Weerarkaas ayaa ku soo aaday maalmo uun kaddib markii Safaaradda Britain ee dalkaasi ay 14-kii bishan ka digtay inuu dhici karo weerar argagixiso. Sidoo kalena Faransiiska ayaa muwaaddiniintiisa uga digay inay tagaan meelaha ay dadku isugu yimaadaan.

Ma ahan markii ugu horreysay ee Uganda digniin la siiyo. Bishii May 2014 iyo March 2015, safaaradda Mareykanka ee dalkaas ayaa ka digtay inuu dhici karo weerar is miidaamin ah.

Inkastoo weerarrada laga baqayay aysan dhicin sanadahaas. Uganda ayaa feejignaan dheeraad ah ku jirtay tan iyo sanadkii 2010. Su’aashu waxay tahay: Waa kuwee kooxaha cadowga ku ah Uganda, ee doonaya inay weeraraan?

ADF

Xoogagga Isbahaysiga Dimuqraaddiga (ADF), waa koox xagjiriin Islaami ah oo Uganda ka soo jeedda. Sanadihii 90-meeyadii waxay u guureen galbeedka dalkaas, kahor inta aysan ku kala firdhan keymaha Bariga Congo dabayaaqadii sanadihii 90-meeyadii.

Kooxda ayaa weerarro badan ka fulisay gudaha Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo in ka badan inta ay ka fulisay Uganda. Tna iyo intii ay Congo galeen waxay geysteen dilal, weerarro ay xaafado ku qaadeen iyo afduub. Waxaa sidoo kale la sheegay inay la shaqeynayeen kooxo kale oo duurka ku jira.

Sanado badan Xoogagga Difaaca Dadka Uganda (UPDF) ayaa fulinayay weerarro ay ku dileen dagaal-yahanno badan oo ka tirsanaa ADF oo ku sugnaa xadka Congo. Taasi waxay kooxda ka dhigtay mid aan awoodin inay gasho oo ay weerar toos ah ka fuliso Uganda.

Bishii August sanadkan, xoogagga ammaanka ayaa xiray nin looga shakiyay inuu weerar is miidaamin ah ka fulin rabay aaska Jeneraal Paul Lockech oo ahaa taliyihii hore ee ciidamada Uganda ee ku jira howlgalka AMISOM, Soomaaliya.

Uganda ayaa arrintaas ku eedeysay kooxda ADF. Bilooyin yar kaddib waxaa xigay weerarradii October 24 iyo 25. Uganda ayaa sidoo kale ku eedeysay ADF.

Maxay tahay sababta ay IS u sheegatay weerarradaas?

Kooxda Isku magacowday Dowladda Islaamka waxay ku xooggan tahay Bariga Dhexe. Waxay soo baxday Gugii Carabta. Kaddib dagaallo qaraar, waxaa sanadkii 2016 burburtay khilaafadoodii Ciraaq iyo Suuriya.

Waxay haatan weerarro ka fuliyaan Bariga Dhexe iyo meelo kale. Dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika, kooxdu waxay saldhig ku leedahay gobolka Saaxil.

Inkastoo aysan cadowtooyo toos ah ka dhaxeyn kooxda iyo Uganda. Kaddib weerarkii 24-kii bishan ka dhacay goob maqaayad ah, IS ayaa sheegatay weerarkaas.

Dowladda Uganda ayaase farta ku fiiqday ADF. Maxayse tahay sababta ay Uganda ugu eedeysay ADF ee aysan farta ugu fiiqin IS?

Tan iyo sanadkii 2017, ADF ayaa bilowday inay la shaqeyso IS waxay sanado yar kaddib ku dhawaaqday inay iskaashi la leedahay kooxda. Haatan ADF waxaa sidoo kale loo yaqaannaa IS-ta Bartamaha Afrika (ISCAP).

Sababtaas darteed ayay IS u sheegatay mas’uuliyadda weerarrada maalmo kahor ka dhacay maqaayadaha iyo baska.

Taariikhdu markii ay ahayd 18-ka September sanadkan, dowladda Congo ayaa xirtay muwaadin u dhashay Jordan oo looga shakiyay inuu taabacsan yahay Daacish. Waxaa lagu xiray deegaanka Makisabo oo u dhow magaalada Beni, oo ku taalla gobolka Waqooyiga Kivu oo ah halka ay ka howlgasho ADF.

Wararka ayaa sheegaya inuu yahay ninkii ugu horreeyay ee aan Afrikaan ahayn ee Congo loogu xiro sababo la xiriira inuu ka tirsan yahay IS. Ilaa iyo haatanse dowladda Congo wax war dheeraad ah kama aysan soo saarin ninkaas.

Al-Shabaab

Soomaaliya ayaa xaalad cakiran ku jirtay muddo 30 sano ah. Markii Midowga Afrika (AU) uu go’aansaday inuu ciidamo loogu magac daray AMISOM u diro Soomaaliya sanadkii 2007, dalka Uganda wuxuu ka mid noqday dalalka ciidamadiisa ku biiriyay.

Dalalka kale ee ay ciidamadoodu ku jiraan AMISOM waxaa ka mid ah Burundi, Itoobiya, Nigeria, Djibouti, Kenya, Ghana, iyo qaar kale. Al-Shabaab ayaa il cadowtinnimo leh ku eegeysa dhammaan dalalkaas.

Inkastoo ay jirto xaqiiqda ah in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uusan xitaa gaarin billowga dhammaadka, haddana ciidamada AMISOM ayaa ku guuleystay inay wiiqaan awoodda kooxda iyagoo ka saaray caasimadda Muqdisho iyo magaalooyin kale.

Bishii July 11-keedii, 2010, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar ka dhacay Uganda oo lagu qaaday garoon ay ka buuxeen taageerayaal daawanayay cayaar ka mid ahayd Koobka Adduunka oo ka dhacaysay Koofur Afrika. In ka badan 70 qof ayaa ku dhintay kuwo kalena way ku dhaawacmeen.

UHLM/F

Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Uganda (UHLM / F), waa koox mucaarad ah oo weerarro geysatay sanadkii 2016, sida laga soo xigtay ciidamada Uganda. Warbixin booliisku uu soo saaray ayaa lagu sheegay in kooxdu ay shan weerar fuliyeen intii u dhaxeysay 2016 ilaa 2021, iyagoo beegsanaya xeryaha Xoogagga dowladda ee Difaaca Shacabka Uganda (UPDF).

Dhammaan weerarradaas waxaa ka hor tagay militariga. Meelaha qaar, kooxda ayaa awoodday inay weerarro ku disho dhowr sarkaal. Kooxdan waxay asal ahaan ka soo jeeddaa Uganda inkastoo ay ku dhuumaaleysato keymaha Congo.

Waa sidee xaddiga khatarta?

Maalin kaddib weerarkii baska lagu qaaday, ayaa afhayeenka booliiska UPF, Fred Enaga oo la hadlayay warbaahinta wuxuu yiri, “ADF koox argagixiso ayay ka sameysay Uganda. Waxay u tababartay inay weerarro bambo ka fuliyaan dhowr meelood.”

Madaxa Booliiska Caalamiga ah (Interpol), ee Uganda Charles Birungi ayaa Isniintii wargeyska Daily Monitor u sheegay “way caddahay inay kordheyso khatarta argagixiso ee ka imaaneysa IS, Al-Shabaab, ADF iyo Ansar al-Sunna ama Al-Shabaab-ta Mozambique. “

Boliiska Uganda ayaa uga digay dhallinyarada dalkaas ee shaqo la’aanta ah inaysan ku biirin kooxahan, marka ay dadka shaqaaleysiinayaan.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post