3585 Views

Saxaafadda gaarka loo leeyahay oo talooyin ka soo jeedisay shirka Qaran ee Warbaahinta Soomaaliya

Saxaafadda gaarka loo leeyahay oo talooyin ka soo jeedisay shirka Qaran ee Warbaahinta Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 25, 2015 — Shirka Qaran ee Warbaahinta ee ay ka qeyb galayaan wasiiro ka socda dowlad-goboleedyada iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo hay’ado caalami ah isla markaana ay qabanqaabisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa maalintiisii labaad galay, ayadoo la filayo in maanta la soo gabagabeeyo.

Qeybaha warbaahinta ayaa maanta yeeshay doodo gaar gaar ah oo ku saabsan xaaladaha ay ku sugan yihiin warbaahintu iyo talooyinka ay qabaan ee ku saabsan in lagu horumariyo saxaafadda Soomaaliyeed.

Madaxda iyo wakiillada ka socda hay’adaha warbaahineed ee gaarka loo leyahay ayaa dood ay yeesheen ku gorfeeyay caqabadaha oo ku tilmaameen;

  • Baaahi dhinaca tababarka ah
  • Wariyeyaasha oo aan siinin Xogta ay u baahan yihiin.
  • Baahi Qalab
  • Baahi Dhaqaale ama mushaar la’aan iyo
  • Tababarro soo noqnoda oo aan baahida warbaahinta waafaqsanayn

Wakiillada saxaafadda ayaa soo sidoo kale soo jeediyay Qodobbo ay isla garteen oo ay dowladda dhexe, dowladaha xubnaha ka ah iyo hay’adaha taageera warbaahinta u jeediyeen, qodobbadaas ayaa ahaa;

  1. In la helo istiraatiijiyad heer qaran ah oo ka tarjunta baahida warbaahnta dalka, si taageerayasha caalamiga ah iyo kuwa ka faa’iideysanaya ay isu fahmaan.
  2. In la ixtiraamo xoriyadda saxaafadda isla markaana ammaanka saxafiga ay ilaaliyaan dowladuhu.
  3. In la sameeyo Madal Qaran oo warbaahnta Soomaaliyeed mideysa, isla markaana xaqiijisa wada-shaqeynta iyo midnimada saxafiyiinta.
  4. In la dadajiyo sharciga saxaafadda ee baarlamaanka hor-yaalla, waxna laga beddelo qodobbada qaar ka hor inta aan la ansixin. Qodobbada walaaca leh waxaa ka mid ah Shuruudda wariyaha.
  5. In dib loo eego Sharciga la dagaallanka argagixisada oo ay ku jiraan qodobbo saxaafadda halis ku ah, sida in lala wareegi karo xarumaha warbaahineed.
  6. Saxafiyiinta xiran in la sii daayo.
  7. In la tayeeyo lana badbaadiyo AFKA Soomaaliga, Warbaahinta iyo xafiisyada dowladdaba.
  8. Kaalinta haweenka ee warbahinta in la xoojiyo, lana siiyo dowr hoggaamineed.

Wasiirka warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir, ayaa tilmaamay in qodobbada ay soo jeediyeen warbaahinta gaarka loo leeyahay ayay yihiin kuwo in wax laga qabto ay tahay, isagoo tilmaamay in sharciga saxaafadda ee baarlamaanka horyaalla iyo qorshe guud in loo sameeyo warbaahinta ay ka jawaabi doonaan inta badan baahiyaan.

Sharciga saxaafadda ayaa daaweynaya sida uu wasiirku sheegay caqabadaha saxaafadda haysta sida Mushaar la’aanta ay ku shaqeeyaan wariyeyaashu, Xogaha ay helaan, Tababarro in la siiyo iyo in la ogaado qofka wariyeha ah. Ayadoo ilaalinta ammaanka wariyeyaasha ay tahay xuquuq lagu leeyahay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in qorshe cad oo faahfaahasan loo sameyn doono warbaahinta Soomaaliyeed, taas oo horseedi doonta in si wanaagsan looga faa’iideysto taageerada ay hay’adaha caalamiga ahi siinayaan warbaahinta.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in sidoo kale loo bahan yahay in saxaafadda Soomaaliyeed ay ka shaqeyso nabadda, waddaniyadda iyo wacyigelinta bulshada, ayadoo la sameynayo siyaasad qaran oo lagu wajahayo arrimahaas.

Sharciga saxaafadda ayuu sheegay wasiirku inuu marayo heer aysan xukuumaddu waxba ka qaban Karin, oo uu baarlamaanka horyaallo, hase yeeshee ay 15 maalin oo dheeraad ah ay ka codsan doonaan baarlamaanka si dowlad-goboleedyadu ay talooyin kale ugu soo daraan, fursaddaas oo uu rajaynayo in ay baarlamaanku ka aqbalaan. Haddii aysan taa dhicin, wuxuu sheegay wasiirku in sharcigaan wax laga beddeli karo xataa marka la ansixiyo kaddib, laakin ay lagama maarmaan tahay in la helo sharci ay ku shaqeyso warbaahntu.

Gelinka dambe ee maanta ayaa la filayaa in shirkaan la soo gabagabeeyo, ayadoo laga soo saaryo war-murtiyeed.

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment