723 Views

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya “Ma jiro cid aanu xirnay

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya “Ma jiro cid aanu xirnay
____________________________________________________________________________

Talaado: March 15, 2022

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in la xiray Milkiilayaal iyo lix xarruun oo kamid ah kuwa diyaarada.

“Dad ka shaqeeya meel diyaarad oo maanta la xiray ma jiraan, waana been warkaasi” ayuu yiri Wasiir Duraan oo Garoonka Aadan Cadde kula hadlay Warbaahinta.

Wasiirka ayaa sheegay in si caadi ah ay u socoto shaqada Shirkadahan, isla markaasna uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Milkiilayaasha.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegayay in la xiray Ganacsato iyo Xarrunaga shirkada Duulimaadyada ee dalka ka shaqeeya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post