1398 Views

Maxay kawada hadlayaan Ahlu-sunna Waljaamaca & Xukuumadda Soomaaliya?

Maxay kawada hadlayaan Ahlu-sunna Waljaamaca & Xukuumadda Soomaaliya?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 29, 2019 —ASW iyo xukuumadda Soomaaliya waxa ay galeen heshiis aan weli la shaacin hayeeshee qayb ahana hirgalay, heshiiskaas waxa kamid ah qodobada ugu waaweyn

 

In Ahlu-sunna Waljaamaca ku yeelato Baarlamaan-goboleedka Galmudug 35 xildhibaan.

In la qarameeyo ciidanka ASW si uu ugu biro ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya

In ASW lagala tashado xilka heer wasiir ee federaalka

In ASW xilka nabadgelyada Dhuusamareeb kuwareejiso xukuumadda Federaalka.

Qodobada heshiiskaasi qayb ahaan waxa ay hirgaleen bartamihii July-2019 sida qarameynta ciidanka ASW, iyada oo xukuumaddu la wareegtay, diiwaangelisay, siisay aqoonsiga Lambarka ciidanka  islamarkaana mushaar siisay 700 oo Askari oo kamid ah 1700 oo Askari oo ASW kuwareejineyso xukuumadda Soomaalia, qorshaha qarameynta ciidanka ASW waxaa kamid ah dhismaha Qaybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka ee Dhuusamareeb taas oo ay suuragal tahay in lagu dayactiro lagun ahagaajiyo iskaashi u dhexeeya wasaaradaha Gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Qadar oo wafdi kawada socdaa ay wadaan hirgelinta dhismaha iyo dayactirka qaybta 21aad ee CXDS.

 

Waxaa suuragal ah in qodobka dhigaya in Ahlu-sunna Waljaamaca ku yeelato Baarlamaan-goboleedka Galmudug 35 xildhibaan uu u hirgeli waayo sababo la xiriira dhinaca saami qaybsiga beelaha Baarlamaan Galmudug iyada oo taasina ay xukuumadda uga baahan tahay xal kale oo ASW u beddela qodobkaas.

Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaala & Dib u heshiintu waxa ay 18 July-2019 soosaartay liiska guddiga dib u heshiinta ee Galmudug kaas oo ay ASW ku yeelatay xubin, taasina waxa ay muujisay in heshiiska xukuumadda iyo ASW uu illaa xad hirgalay.

Isfaham xumuda waxa ay timid markii Raisalwasaare Kheyre isaga oo ka duulaya in xilka nabadgelayada Dhuusamareeb ay la wareegto xukuumadda Soomaaliya si loogu qabto shirarka dib u heshiinta iyo doorashada uu diuaarayey qorshe ciidanka ay xukuumadda diiwaangelisay islamarkaana qaatay lambarka ciidanka loogu xareynayo dugsiga tababarka Booliiska ee Xamar iyada oo ciidan beddela lagaqaadayo Muqdisho, sidaas awgeedna diyaarado siday ciidankaas ayaa dib ugu soo noqday Muqdisho kaddib markii Macali Maxauud Sh. Xasan oo guddoomiyaha ASW uu kahor yimid qorshaha ciidanka lagu geynayo Dhuusamareeb.

 

Dad badan oo adeegsada BAraha Bulshada ayaa wax iskaweydiiyey sababta Muqdisho oo ay kajirto baahi badan oo ciidan oo la xiriirto dhinaca nabadgelyada ooga daabulayo ciidan islamarkaana Dhuusamareeb oo nabad ah loo geynayo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment