687 Views

Maxkamad ku taalla Masar dilka ku xukuntay 12 xubnood oo ahaa Ikhwaanul Muslimiinka

Maxkamad ku taalla Masar  dilka ku xukuntay 12 xubnood oo ahaa  Ikhwaanul Muslimiinka
____________________________________________________________________________

June 15 2021

Maxkamad ku taalla Masar, ayaa go’aan ku gaartey dilka 12 xubnood, oo kamid h ururka Ikhwaanul Muslimiinka, iyadoo ay kamd yihiinlaba sargaal oo jagooyin sare ka haya ururkaasi.

Maxkamadda ayaa kuxukuntay 31 xubnood oo kale xabsi daa’in, sida ay Wakaaladda Wararka Faransiiska kasoo xigtay maxkamadda.

Xubnahan la xukumay ayaa lagu eedeeyey iney qeyb ka ahaayeen mudaaharaadyo loogga soo horjeeday dowlada Masar 2013-kii, kuwaasoo ka dhacey caasimada Cairo.

Ma jirto racfaan ay ka qaadan karaan dadkan la xukumay go’aanka ay maxkamaddu soo saartey.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinta, ayaa laga mamnuucay, iyagoo lagu suntay urur argagaxiso, kagadaal markii ciidanka dalkaasi uu ku qabsadey xukunka afgambi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post