1296 Views

askar ka tirsan ciidanka xooga dalka soomaaliyed oo loo soo xiray tababar

askar ka tirsan ciidanka xooga dalka soomaaliyed  oo  loo soo xiray tababar
____________________________________________________________________________

Sabti: August 21, 2021

20 askari oo ka tirsan ciidanka xooga dalka soomaaliyed gaar ahaan gutada 5 aad qeybta 27 aad ayaa loo soo xiray tababar la xarira barista minoyinka oo mudo 6 bil ah uga socday xerada ciidamada Amisom ee ceelgale Magalada Beledweyne.

Gabagabada Tababarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha Ciidamada Xooga Qeybta 27 aad ee Gobolka Hiiraan Col,Maxamuud Ibraahin Bakaay Iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM.

Saraakiisha Soomaalida iyo kuwa AMISOM ee ka qeyb galay Gabagabada tababarka ayaa kula dardaarmay in waxyaabahii la baray ay ugu adeegaan shacabkooda oo baahi weyn u qabo saarista miinada oo meelo badan soomaaliya uga jirto.

Tababarkan ayaa socday mudo lix bilood ah sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiishii iyo madaxdii kala duwanaa ee ka so qeyb galay gabagabada tababarka ,waxana tababarka bixinayay mudadii uu socday Tababarayal ka socday Hay‘ada ladagaalanka Miinooyinka ee Qaramada midoobay ee UNMAS.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post