2352 Views

Khilaafka Gaas iyo Cameey oo sababay in aysan wada shaqeyn

Khilaafka Gaas iyo Cameey oo sababay in aysan wada shaqeyn
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 22, 2018 – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa C/Xakiin Cumar Cameeyay ayaa waxaa soo baxaya khilaaf u dhaxeeya kaas oo sababay in todobaadyadii la soo dhaafay aysan wada shaqeyn labada mas’uul.

Khilaafkan waxaa uu soo baxay kaddib markii Bishii March Golaha shacabka ee Soomaaliya ay soo saareen qaraar dalka looga mamnuucay Sharikadda DPWorld ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta, waxaana go’aanka golaha shacanka diiday C/Wali Gaas halka C/Xakiin Cameey uu taageeray.

Kulan ay Golaha wasiirrada Puntland yeesheen kaddib go’aankii Golaha shacabka ayuu C/Wali Gaas ku doonayay in warqad lagu diidayo go’aankaas ay soo saarto Puntland waxaase diidey madaxweyne ku xigeenka iyo qaar ka mid ah xubnaha Golaha wasiirrada.

C/Wali Gaas ayaa kaddib u safray Imaaraadka Carabta iyada oo markii uu ku soo laabtay Garoowe uusan soo dhaweyntiisa ka qeyb gelin C/Xakiin Cumar Cameey.

Waxa  kale oo jirta in muddo todobaadyo ah uusan Cameey xaadirin xafiiskiisa shaqada oo uu sare u kacay khilaafka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

C/Xakiin ayaa inta badan waqtigiisa ku bixiyay dagaalka degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool oo uu ka soo jeedo halka Gaas uu ku mashquulay shirkii dowlad Goboleedyada iyo siyaasadda Maamulka Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu tuhmayaa in ay ka gaabiyeen saameyntooda siyaasadeed ee Gobollada ay ka soo jeedaan oo hadda ay ku dagaallamayaan Puntland iyo Somaliland.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment