540 Views

Madaxweynaha Puntland oo lagu wado in uu hortago mudanayaasha Baarlamanka Puntland, si uu warbixin uga siiyo safarkiisi Muqdisho

Madaxweynaha  Puntland oo  lagu wado  in uu  hortago mudanayaasha Baarlamanka Puntland, si uu warbixin uga siiyo safarkiisi Muqdisho
____________________________________________________________________________

.

April 15-4-2021

Wararka ka imaanaya Magaalada Garowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,  lagu wado  in uu Sabtida soo socota hortago mudanayaasha Baarlamanka Puntland, si uu warbixin uga siiyo safarkiisi Muqdisho.

Farriin kooban oo xalay loo diray xildhibaannada Baarlamanka, ayaa lagu wargeliyay in madaxweyne Deni uu Sabtida hor imaan doono Golaha, waxaana wararku sheegayaan in uu warbixin ka siin doono safarkii Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu Golaha u jeediyo khudbad ku saabsan fashilka ku yimid dadaalladii ku jihaysnaa xallinta muranka doorashooyinka iyo sidoo kale shirkii natiijo laa’aanta ku dhammaaday ee Muqdisho.

Madaxweyne Deni, ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu khudbaddiisa kaga hadlayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho, taas oo ka dhalatay mudda kororsiga dowladda Federaalka

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post