1314 Views

Wadooyinka Muqdisho oo saakay mar kale dib loo furay kadib Xayiraadii shalay

Wadooyinka Muqdisho oo saakay mar kale dib loo furay kadib Xayiraadii shalay
____________________________________________________________________________

 Feb: 20/2/2021

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho saakay ayaa sheegaya in markale saakay ay magaalada caadi ku soo laabatay shaqadeeda iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka.

24 saac oo xamar ay u ahayd maalin adag ayaa waxaa saakay magaalada ka jira dhaq dhaqaaq sida isku socodka dadka gaadiidka, waxana dib loo furay Suuqyada muqdisho sida suuqa bakaaraha oo shalay xirnaa.

Waxaa laga qaaday Ciidamadii aadka u badnaa iyo dabaabadihii shalay la soo dhoobay wadooyinka muqdisho, waxayna arinta ku soo noqotay mid caadi ah.

Sidoo kale dadka Dagan Muqdisho gaar ahaan Degmooyina dhaca Waqooyiga Muqdisho oo shalay culeeska aadka u badan saarnaa, ayaa saakay dareemaya xoogaa nasasho ah, waxaana  dhinaca kale caadi  ku soo laabtay culueeskii saarnaa agagaarka KM4 oo ay daganaayen ayagana Musharixiinta ugu badan.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post