660 Views

Rag hubeysan oo xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday Saldhiga Booliska degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Rag hubeysan oo  xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday   Saldhiga  Booliska degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.
____________________________________________________________________________

Axad  -January 3, 2021

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Rag hubeysan oo Maleeshiyo beeleed ah ay xalay saqdii dhexe weerar ku qaadeen  Saldhig Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ay ku leeyihiin degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Maleeshiyaadka weerarka ku qaaday Saldhiga degmada ay ahaayeen kuwo dhawaan Ciidanka Booliska ay ka kala eryeen Koontarool oo ay dhigteen gudaha Matabaan.

Sidoo kale Dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in xalay ay malayeen dhawaqa rasaas la is-dhaafsanayo oo ka dhaceysay Saldhiga Matabaan, wallow markii dambe si iskeed ah rasaasta u istaagtay, halkaasna ay isaga baxsadeen Maleeshiyaadkii hubeysnaa.

Lama soo werin khasaaro ka dhashay weerarka, hayeeshee saakay Ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan Matabaan ayaa wada howlgal baaritaano ah oo ku baadi goobayaan ragii weerarka soo qaaday oo ku baxsaday dhul-howd ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post