453 Views

Qaramada Midoobay oo ICJ u dirtay codsi ku aaddan dhulka Falastiin ee Isra’el

Qaramada Midoobay oo ICJ u dirtay codsi ku aaddan dhulka Falastiin ee Isra’el
____________________________________________________________________________

Sabti: DECEMBER 31, 2022

Maamulka falastiiniyiinta ayaa soo dhaweeyay codbixin uu golaha guud ee qaramada midoobay kaga codsanayo maxkamada caalamiga ah ee cadaalada in ay fikrad sharci ka bixiso qabsashada Israel ee dhulka falastiiniyiin.

Afhayeen u hadlay Falastiin, oo lagu magacaabo Maxamuud Cabbaas, ayaa sheegay in la gaaray xilligii Israa’iil ay hoos imaan lahayd sharciga, isla markaana lala xisaabtami lahaa.

87 waddan ayaa taageeray qaraarka Jimcihii oo ay ku jiraan Ruushka, Shiinaha iyo dalal Muslimiin ah.

Mareykanka, Britain iyo Jarmalka ayaa ka mid ahaa dalakii diiday, iyagoo mooshinka ku tilmaamay mid aan faa’iido lahayn.

Xukuumadda cusub ee Israa’iil oo la dhaariyay toddobaadkan ayaa abuurtay walaac, iyadoo qaar ka mid ah wasiirrada xisbiyada midigta fog ay muujiyeen aragtiyo xooggan oo ka dhan ah Carabta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post