606 Views

Dadka ku dhintay rabshadaha Suudaan ka socda oo gaaray 63 qof

Dadka ku dhintay rabshadaha Suudaan ka socda oo gaaray 63 qof
____________________________________________________________________________

isniin: January 10, 2022

Booliska dalka Suudaan ayaa sheegay iney 86 qof u xirixireen mudaharaadyadii u dambeeyey ee looga soo horjeedo afgambigi Militari ee dhacay bishii Oktoobar.

Wakaaladda Wararka ee Suudaan oo mas’uuliyiin soo xigatay ayaa sheegtay dadkaasi la xiriray iney yihiin mudaharaadyaal aan sharci ahayn.

Dhakhaatiir ku sugan dalka Sudaan waxay sheegeen rabshadihi ugu dambeeyey ee Axaddi ka dhacay dalkaasi iney laba qof ku dhinteen tobaneeyana ay ku dhaawacmeen.

Ururka dhakhaatiirta ee xulafo la ah dhaqdhaqaaqa mudaaharaadka ayaa sheegay in 63 qof hadda la dilay tan iyo bishii Oktober marki uu dhacay afgaafgambiga militari.

Qaramada midoobayna waxay sheegtay iney isku dayayeso dhinacyada siyaasadda suudaan isku hayo iney wadahadal u billowdo si qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaasi ka tagan xal looga gaaro, loogana gogol xaaro marxalad dimuqraadi ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post