1014 Views

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo agab caafimaad oo isugu jira Mishiinada neefta siiya bukaanada iyo dawooyin kala wareegtay Hey’adda Kalkaal

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo agab caafimaad oo isugu jira Mishiinada neefta siiya bukaanada iyo dawooyin kala wareegtay Hey’adda Kalkaal
____________________________________________________________________________

April 19-2021

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa agab caafimaad oo isugu jira Mishiinada neefta siiya bukaanada iyo dawooyin kala wareegtay Hey’adda Kalkaal si loo gaarsiiyo isbitaalada danta guud ee magaalooyinka Guriceel iyo Samareeb.

Sidoo kale agabkan ayaa waxaa barbar socdey tababar loo furay qaar ka mid ah howl-wadeennada xarumaha Caafimaadka Samareeb oo la barayo latacalidda iyo daweenta xaladaha COVID-19 iyo mareenta xaaladaha deg degga ah, iyadoo dadka ka faa’iideysanaya loo sharxay sida ugu haboon ee loogu adeegi karo bukaanada kujira xaaladda adag ee soo gaaraya xarumaha Caafimaadka.

Madasha Dhakhaatiirta Galgaduud oo kaahshaneysa Wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo Ururka Dhakhaatiirta Galmudug ayaa tababarkan u sameeyay xirfadlayaasha caafimaadka waxaana ujeedka lagu sheegay in uu yahay sidii adeeg deg deg ah ay u heli lahaayeen bukaanada ku jira xaalada adag ee u baahan in si dhaqsi leh loogu adeego.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post