852 Views

Annalena Baerbock Haweeneyda noqon karta hoggaamiyaha cusub ee Jarmalka

Annalena Baerbock Haweeneyda noqon karta hoggaamiyaha cusub ee Jarmalka
____________________________________________________________________________

April 19-2021

Markii ugu horreysay, Ka dib taariikhda xisbiga ee 40 sano jirsaday, German Greens wuxuu ku dhawaaqay haweeneyda musharraxa ah ku mayalaysa doorashada Hoggaamiyaha Jarmalka.

Waxay noqoneysaa taariikh siman oo ku xiran doorka adag ee Greens ay ka ciyaari doonaan doorashada guud ee bisha September oo xilka ay ku baneyneyso Angela Merkel.

Isniintii, Xisbiga wuxuu shaaciyay in Annalena Baerbock, oo 40 sano jir ah, ay noqoneyso qofka ay filayaan in xilka ay kala wareegto Angela Merkel, ka dib doorashada September. Ms Baerbock waxaa la saadaalinayaa in ay noqoto haweeneyda keli ah ee doorashada qeybta ka ah.

Inkastoo mar laga dhex arkay qalalaaso iyo fadeexado soo wajahay xisbiga, hadda waxaa la rajeynayaa in Greens ay qeyb wayn ka noqdaan dowladda soo socota

Xisbiga talada haya, waxaa weli ka dhex taagan khilaaf la xiriira qofka musharraxa u noqonaya, balse xisbiga Green waxaa suuragal ah in uu helo isbaheysi cusub oo aad u ballaaran. Taas waxay noqon kartaa in Annalena Baerbock ay noqoto hoggaamiyaha Jarmalka.

Waxaa la billaabay in la barbardhigo haweenka da’da yar ee hoggaaminaya dalalka New Zealand iyo Finland.

Baerbock waxay dhalatay sannadkii 1980-kii, waa xilliga la aasaasay xisbiga ay hadda ka tirsan tahay ee Greens. Waxay waalidkeeda xilligaas u qaadeen fagaare uu ka dhacayay dibadbax ka dhan ahaa nukliyeerka.

Waxay nolosheeda ku qeexday biyaha iyo sunta lagu ridayay dibadbaxayaasha iyo macmacaankii ay guriga ka cuneysay ka dib isu soo baxa. Isku dhafka nolosha qoys dabaqadda dhexe ah oo uu matalo xisbiga Green ka maanta, ayey ka timid, taana waxayna sharaxeysaa dalabka ballaaran ee xilligan.

Sida lagu ogaaday ra’yi uruurin la sameeyay, xisbigeeda wuxuu haystaa 22% boqolkiiba codadka doorashada, waana xisbiga ku xiga midka Merkel ee CDU/CSU.

Xisbiga muxaafidka ah wuxuu hoos uga soo dhacay qiyaasta codadkii uu heli lahaa oo ahayd boqolkiiba 40%. Waxaa saadaashaas la sameeyay xilligii Jarmalka uu sida wanaagsan ula dagaallamayay xanuunka Covid-19.

Hadda waxay saadaasha tahay boqolkiiba 29%. Waxaa jiro sadaalo kale oo lagu sheegay in xisbiga talada haya uu ka sii hooseeyo qiyaastaas. Wax yar ayeyna ka koreeyaan xisbiga The Greens.

Xisbiga Bidix-dhexe ee SPD, wuxuu dhex wareeganayay kaalinta seddaxaad ee 10-20%. Halka axsaabta kale oo dhan ay ka hooseeyaan boqolkiiba 10%.

Xisbiga talada haya waxaa xaaladda ku sii xumeynaya khilaafka gudahooda ah ee ku saabsan qofka ku matalaya doorashada soo socota.

Ragga ka tirsan xisbigaas ayaa midba kan kale ku haysta kursiga, waxayna u hardamayaan awoodda jarmalka, balse Greens waxay si deggan oo wanaagsan ugu xusheen haweeneyda ugu sarreysa in ay doorashada ku matasho.

Sida la mid ah qaabka uu Ruushka u dhaqmo, dhammaan sirtooda ayey keydiyeen illaa Isniintii oo ay ku dhawaaqeen musharraxooda.

Hoggaanka cusub ee Green waxay dejiyeen xeerar iyo shuruuc ilaaliyana anshaxa iyo aadaabta xisbiga, waxayna aad ugu bahan yihiin awoodda.

Xisbigan ayaa isbedel wayn sameeyay, mana ahan mid u dhaqma sidii hore. Green waxaa lagu garan jiray xisbi fowdo iyo qeylo badan, halka Muxaafidiinta kale ay ahaayeen kuwa deggan oo anshaxa dhowra.

Muuqaallo hore oo TV-yada laga baahiyay waxay muujinayeen in Xisbiga Green ay u dhaqmi jireen sida ardey dugsi sare oo meel la isugu keenay oo isku dhex yaacsan. Shirarkoodana way qeylo iyo buuq badnaayeen.

Xisbiga waxaa muddo ku loolamayay dad xaqiiqada eega oo isbedel doon ah iyo kuwa mayil adag oo tanaasulka u arkayay khiyaano iyo iibsashada xisbiga.

Markii ugu horreysay ee Xisbiga Green uu isbeheysi talada haya ku biiro waxay ahayd 1998. Waxay qeyb ka noqdeen isbeheysigii uu horkacayay xisbiga SPD. Waxaa xilligaa la siiyay wasiirka arrimaha dibadda.

Sikastaba, khilaafka ka dhex taagnaa xisbiga Green wuxuu soo jiray tobannaan sano, xaaladdana way ku xumeyd.

Balse isbedelka iyo guusha hoggaanka oo ay ka mid yihiin guddoomiyeyaal gobollo oo awood leh, ayaa sababtay in Green uu noqdo mid si lataaban karo u howlgala.

Sannadkii 2011, Gobolka qaniga ah ee Baden-Württemberg waxay dadkiisa doorteen Madixii ugu horreeyay ee Green ah, Winfried Kretschmann.

Aragtidiisa ku wajahan dhaqaalaha iyo deegaanka waxay sababeen in uu caan sii noqdo, kursigana ku sii fadhiyo.

Seddax sano ka hor, xisbiga wuxuu Baerbock iyo Robert Habeck u doortay in si wada jir ah ay u hoggaamiyaan Greens – Waa laba qof oo qaba aragtida Isbedelka – Waxaana ka go’an in ay isu keenaan labada garab ee xisbiga u kala jaban yahay.

Balse in awoodda ay ku midoobaan ma noqon doonto arrin fudud.

Inta badan xisbigan waa mid awood badan doorashada ka hor. Dadka codbixiyeyaasha xitaa way jecel yihiin in ay doortaan. Balse maalinta codeynta marka la soo gaaro, xitaa kuwa daacadda u ah ayaa walaac ka muujiya aragtida dhanka dhaqaalaha uu ka qabo xisbigan.

Greens waa xisbi inta badan la kulmo dhalleeceyn. Xisbigayada Bidixda waxay ku eedeeyaan in Green uu yahay xisbiga madaxda iyo taajiriinta, kuwaas oo jecel in ay iska raaxeystaan, danna aysan ka lahayn ururada shaqaalaha iyo xuquuqdooda.

Sidoo kale asxaabta midigta waxay Green u arkaa mid usoo baxaya sidii uu u mamnuuci lahaa shirkadaha gawaarida iyo kuwa yaanyada ee Jarmalka.

Balse 16 sano ka dib oo Merkel ay xilka haysay, Green wuxuu noqday mid caan ah, Jarmalkana wuu isbedelay.

Aragtida guud waxay noqotay cagaar, halka Xisbiga Green uu noqday fikirka guud ee la aaminsan yahay. Hadda erey kasta oo ka dhan ah the Greens waa mid waqtigiisu dhammaaday, wuxuuna aflagaado ku noqonayaa codbixiyeyaasha.

Hadaba, Green waxaa u muuqato awoodda ugu sareysay oo diiradda uu ku hayo. Mana jiro qof kaaftan ka sameynaya xilligan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post