276 Views

, Erdogan oo sheegay in weerarrada ciidamadooda ay maalmihii la soo dhaafay ku qaadeen fariisimaha Kurdiyiintu ku leeyihiin waqooyiga Suuriya

, Erdogan oo  sheegay in weerarrada ciidamadooda ay maalmihii la soo dhaafay ku qaadeen fariisimaha Kurdiyiintu ku leeyihiin waqooyiga Suuriya
____________________________________________________________________________

Arbaco: NOVEMBER 23, 2022

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in weerarrada ciidamadooda ay maalmihii la soo dhaafay ku qaadeen fariisimaha Kurdiyiintu ku leeyihiin waqooyiga Suuriya ay yihiin kuwa bilow ah.

Mr Erdogan ayaa sheegay in sida ay Turkiga uga ka go’an tahay sugidda amaanka xuduudka ay la wadaagtay madaxda Suuriya.

Horey wasiirka gaashaandhigga Turkiga ayaa u sheegay in ciidanku ay duqeeyeen ku dhawaad ​​shan boqol oo bartilmaameed oo ay leeyihiin maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee Suuriya iyo Ciraaq tan iyo Axaddii.

Xoojinta ficillada militari ee Turkiga ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Kurdiyiinta ayaa imaanaya kadib weerar ka dhacay Istanbul, kaasoo dowladdu ku eedeysay PKK oo ah dhaqdhaqaaqa gooni u goosadka Kurdiyiinta ee Turkiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post