1254 Views

Mareykanka oo baaraya xaalado caafimaad diblumaasiyiinta iyo shaqaalaha Safaarada ee Vienna

Mareykanka oo  baaraya  xaalado caafimaad diblumaasiyiinta iyo shaqaalaha Safaarada ee Vienna
____________________________________________________________________________

Sabti: july 17, 2021

Dowladda Mareykanka ayaa baareysaa xaalado caafimaad darro ah oo soo wajahday diblumaasiyiinteeda iyo shaqaalaheeda ku sugan caasimadda Austria ee Vienna.

In ka badan 20 sarkaal ayaa lagu soo warramay in lagu arkay calaamado la garan waayay oo u eg xanuunno la garan waayay oo maskaxda ku dhaca tan iyo markii uu xilka qabtay Biden bishii January.

Xanuunkan ayaanan wax faahfaahin ah laga bixin balse seynisyahanada waxay sheegayaan in uu sababay shucaaca ka dhasha qalabka wax lagu kululeysto.

Xanuun noocan ah waxaa lagu arkay dalka Cuba sanadihii 2016-2017.

Diblumaasiyiin Amerikaan iyo Canadian oo ku sugnaa caasimadda cuba ee Havana ayaa ka cawday xannuuno ay kamid yihiin wareer, maqalka oo ka luma iyo daal.

Mareykanka wuxuu ku eedeeyay Cuba in ‘dhawaaq xooggan ay ku furtay diblumaasiyiintiisa’ halka Cuba ay beenisay eedeymahaas, waxay arrintaas horseeday in cirka ay isku shareerto xiisadda ka dhex taagan labada dal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post