639 Views

Ciidamada ammaanka oo saakay xiray qaar ka mid ah waddooyinka Muqdish

Ciidamada ammaanka oo saakay xiray qaar ka mid ah waddooyinka Muqdish
____________________________________________________________________________

Talaado: June 7, 2022

Ciidamada ammaanka ayaa saakay xiray qaar ka mid ah waddooyinka Muhiimka ah ee ku yaala magaalada Muqdisho.
 
Waddooyinka ay xireen ciidamada ammaanka ayaa waxaa ka mid ah wadada Maka Al-mukara, jid cadayaasha ay isticmaali jireen mooto bajaajka iyo wadooyinka kale.
 
Ciidamada koofi casta ee ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa lagu arkayaa waddooyinkaasi, kuwaas oo qaarkood dadka u diidaya in lugtooda ay ku maraan waddooyinkaas.
 
Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo xiray wadooyinka, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in wadooyinka loo xiray adkeynta ammaanka, maadaama magaalada Muqdisho ay marti gelin doono wafuud kala duwan oo ka qeyb galaysa caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo saacadaha soo aadan soo gaaraya magaalada Muqdisho

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post