1164 Views

Daraasad ay sameyeen Shiinaha oo loo waday saraakiil sare balse si aan ku talo gal ahayn loogu daabacay baraha bulshad

Daraasad ay sameyeen  Shiinaha oo loo waday saraakiil sare balse si aan ku talo gal ahayn loogu daabacay baraha bulshad
____________________________________________________________________________

3-da Marso, 2021

Daraasad ay sameysay Shiinaha oo loo waday saraakiil sare balse si aan ku talo gal ahayn loogu daabacay baraha bulshada, ayaa waxaa ku xusan in siyaasadaha dalkaas ee ku saabsan gobolka galbeedka dalkaas ku yaalla ee Xinjiang la doonayo in qowmiyadda Uighur iyo muslimiinta kale ee laga tiro badan yahay lagu dhex milo bulshada dalkaas.

Daraasadda oo uu ku jiro baaritaan faahfaahsan oo lagu sameeyay barnaamijka dib u dejinta ballaaran ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in loogu talo galay wax ka qabashada saboolnimada.

BBC ayaa heshay caddeymo muujinaya inuu Shiinaha uu isku dayayo inuu dhaqan-doorin uu ku sameeyey dadka Uigurs ee ku nool gobolka Xinjiang iyada oo u mareyso waxa ay ugu yeertay dib u dejin.

Shiinaha ayaa marar badan diiday eedaha loo soo jeediyey oo ku saabsan inuu xasuuq uu ka wado gobolka Xinjiang, balse waxay qiratay in qaar kamid ah dadkaasi xagjir diimeed ah loo hayo si loo dhaqan celiyo.

Shiinaha ayaa ku eedaynaya in mintidiin Muslimiin ah iyo kooxo gooni u goosato ah ay gobolka ka wadaan xasilooni darro.

Baaritaan ay sameeyeen guddi ka socday Qaramada midoobay oo u qaabilsan ka hortagga midab kala sooca iyo cunsiriyadda ayaa sheegay in xoga lagu kalsoon yahay ay tilmaamayaan in xukuuumadda Beijing “ay gobolkaas ka dhigtay wax u eg xero ciidan”.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post