384 Views

Hooyada dhashay mas’uul hore oo ka tirsanaa Dowlad Deegaanka oo ka hadashay xaaladda wiilkeeda oo xiran

Hooyada dhashay mas’uul hore oo ka tirsanaa Dowlad Deegaanka oo ka hadashay xaaladda wiilkeeda oo xiran
____________________________________________________________________________

Talaado: April 19, 2022

Nasrudiin Canab oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii xilalka kala duwan ka soo qabtay xukuumaddii hore ee Deegaanka Soomaalida ee waddanka Itoobiya ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhawaan maxkamad heer federaal ahi ku xukuntay 13 sano oo xarig ah kaddib marki lagu helay eeddii ahayd in uu dilay 2 nin, 14 sano ka hor.

Maxabuuska ayaa xukunka maxkamadda kaddib dalbaday in loo wareejiyo xabsiga jigjiga isaga oo ka soo baddashay jeelka Qaalitii oo ku yaalla duleedka magaalada Addis Ababa oo uu ku jiray tan iyo markii la xukumay.

Hase yeeshee, marki Jigjiga la geeyey ayaa maxbuuska dib loogu celiyey xabsigi horey uu ugu xirnaa, hadaba Nasrudiin Canab hooyadii, Farxaan Cali Sahal oo BBC la hadashay ayaa cabasho ka muujisay go’aanka dib u celinta wiilkeeda iyadoo sheegtay in bedelka horeba ahaa codsi ka yimid qoyskiisa.

Eedaha qoyska maxbuusku u soo jeedinayaan xukuumadda deegaanka ayaanu hor dhignay, Bashiir Maxamed Xaashi oo ah taliyaha ciidanka asluubta ee dowladda deegaanka Soomalida, kaas oo sheegay in dib u celinta maxbuuska ay sabab u tahay khalad maxbuusku sameeyay.

Waxuuna intaa ku daray in xukuumaddu aanay xaq u lahayn hor istaagigadda maxbuus loo kala bedelayo laba xabsi shaqadaasina ay tahay mid u taal mas’uuliyiinta asluubta.

Nasridiin Canab waxaa uu ka mid yahay mas’uuliyiin dhowr ah oo ilaa iyo haatan loo xukumay danbiyo lagu helay iyadoo weli ay maxkamad ku socoto mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post