1395 Views

Rasaas laga maqlayo meel u dhaw madaxtooyada Guinea

Rasaas laga maqlayo meel u dhaw madaxtooyada Guinea
____________________________________________________________________________



Aaxad: September 5, 2021

Wararka ka imanaya dalka Guinea, ayaa sheegaya in wali ay ka socdaan xabado xoogan oo la is weydaar sanayo agagaarka qasriga madaxtooyada ee caasimadda, Conakry.

Ma jirto faah faahino deg deg ah oo kasoo baxaya xabadahan xoogan, ee ka dhacaya agagaarka Kaloum, oo ah goob ay ku yaallaan wasaarado kala duwan, xafiisyo, iyo sidoo kale qasriga madaxtooyada.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in askartu ay gaaf wareegayaan dhabbooyinka, iyagoo xirey buundada ama bridge-ka kaliya ee ku xirayey Kaloum qeybaha kale ee magaalada.

Sanadkii hore, dad tirto badan ayaa lagu diley mar ay dhigayeen bannaan bax ay ugga soo horjeedaan Madaxweynaha Guinea, Alpha Conte, ka gadaal markii uu ku sameeyey is badal dastuurka, kaasoo dhaliyey buuq weyn, iyadoo uggu danbeyntiina uu ku guuleystay xili saddexaad xafiiska madaxtooyada.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post