918 Views

Hormuud Salaam Foundation oo deeq gaarsiisay Isbitaalka Dhimirka Xabeeb.

____________________________________________________________________________

Axad: April 3, 2022

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa gaarsiisay Deeq kala duwan oo ka kooban raashiin isugu jira Bur, Bariis, Sokor, Saliid iyo Timir Isbitaalka dhimirka ee Dr Xabeeb.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay gudoomiyaha hay’ada Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cusmaan kaasi oo faafaahin kabixiyay deeqda ay gaarsiiyeen isbitaalka dhimirka ee Dr Xabeeb isagoo tilmaamay deeqdan ay qeyb katahay barnaamijka taakuleynta iyo afurinta dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba maadaama lagu guda jiro bisha ramadaan oo uu jiro sicir barar baahsan oo dhanka raashinaka qutul daruuriga.

Cabdiraxmaan Cali Cawaale Dr Xabeeb madaxa isbitaalka dhimirka oo deeqda gudoomay ayaa uga mahad celiyay hay’ada Hormuud Salaam Foundation caawinaada ay soo gaarsiiyeen, isagoo tilmaamay in mar waliba sidan oo kale ay caawin uga helaan marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Agaasimaha waaxda arimaha bulshada ee xafiiska raysal wasaaraha Maryan Aadan Amiin oo iyana goobta kahadashay ayaa timaamtay in deeqda hay’ada Samafal ee Hormuud Salaam Foundation ay muhiimad gaar ah u leedahay dhibanayaasha isugu jira raga iyo dumarka ku xareesan isbitaalka dhimirka ee Dr xabeeb.

Barnaamijka lagu taakuleynayo dadka danta yar ayaa Hormuud Salaam Foundation waxaa maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana ay ka faa’iideysteen dad aad u fara badan, iyadoo madaxda hay’ada ay balanqaadeen in ay sii laba jibaari doonaan wax u qabashada dadka danta yar.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post