924 Views

Dowladda Suudaan oo u yeeratay safirkii u fadhiyay Itoobiya

Dowladda Suudaan oo u yeeratay safirkii u fadhiyay Itoobiya
____________________________________________________________________________


Axad: August 8 2021

Suudaan ayaa u yeeratay safirkeedii u fadhiyay dalka Itoobiya kadib markii ay sheegtay in xukuumadda Addis Ababa ay ka hor timid dadaalladeeda dhexdhexaadinta ah ee ku aadan in xabad joojin looga dhawaaqo gobolka ay dagaallada ka taagan yihiin ee Tigray.

Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamdook uu doonayo in wadahadal lagu soo afjaro colaadda ka taagan Itoobiya.

Khamistii, Itoobiya waxay sheegtay inay meesha kasii baxeyso kalsoonidii kala dhexeysay Suudan kadib tallaabada ay ku tilmaantay in ciidamada Suudaan ay kusoo xadgudbeen dhulka Itoobiya.

Labada dal waxaa ka dhex taagan khilaafka ka dhashay biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post