639 Views

Biden iyo Putin oo ku heshiiyey inay wadahadlaan xilli xiisadda Ukraine ay cirka isku sii shareerayso

Biden iyo Putin oo ku heshiiyey inay wadahadlaan xilli xiisadda Ukraine ay cirka isku sii shareerayso
____________________________________________________________________________

Axad: December 5, 2021

Madaxweyne Biden iyo hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku heshiiyey inay wadahadlaan ka dib toddobaadyo ay sare u sii kacday xiisadda Ukraine ee ay ku kala aragti duwan yihiin.

Wadahadalada labada hogaamiye ayaa waxa ay dhici doonaan iyada oo la adeegsanayo aalladda internet-ka.

Ruushka ayaa dhawaan kordhiyay joogitaanka ciidankooda ee ku dhow xadka Ukraine balse waxa uu beeniyay in uu isu diyaarinayo inuu weeraro.

War qoraal ah oo la sii daayay fiidnimadii Sabtida, Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad, Jen Psaki, ayaa sheegtay in Mr Biden “uu hoosta ka xariiqi doono welwelka Mareykanka ee ku aaddan dhaq-dhaqaaqyada militari ee Ruushka uu ka wado xuduudka Ukraine”.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post