1266 Views

Mareykanka Iyo Iiraan Oo Loogu Baaqay Inay Wada Hadlaan

Mareykanka Iyo Iiraan Oo Loogu Baaqay Inay Wada Hadlaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 18, 2019–Madaxa Guddiga Amniga Qraanka iyo Siyaasadda Dibedda ee dalka Iiraan, Hashmatullaahi Falaxaat Bihse ayaa ugu baaqay Dowladaha Maraykanka iyo Iitaan inay wada-xaajood ku yeeshaan dalka Iraq ama Qatar, si loo qaboojiyo xiisadda taagan, xilli ay Milliteriga Maraykanka dhaqdhaqaaqyo ka wadaan Gacanka Crabeed.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inay Labada dhinac waajib ku tahay inay ku waada hadlaan Iraq ama Qatar, si loo soo af-jaro Xiisadda Colaaadeed.

Baaqiisa ayaa yimid, iyadoo Madaxweynaha  Maraykanka, Donald Trump debciyey xiisaddaasi, isagoo sheegay inuusan rajaeynaynin inay dagaal la galaan Iiraan.

 

Donald Trump waxa kale oo uu sheegay inuu doonayo in ay Iiraan wada galaan Heshiis cusub oo la xiriira Barnaamijyadda Nukliyeerka iyo Gantaalladda iyo Taageeradda Milliteri ee ay Iiraan ka wadaan dalalka Iraq, Syria iyo Yemen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment