933 Views

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 17 2020–Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa dib ugu soo laabtay maanta Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb kaddib markii uu Magaalada Garoowe uu uga qeyb-galay aaska Ra-isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweyne Ku xigeenkii hore ee Puntland.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada.

Madaxda Maamul goboleeyada oo ku sugan Magaalada Garoowe oo iyana ku sugan magaalada Garoowe ayaa la filayaa inay tagaan Dhuusamareeb si ay uga qeyb-galaan shirka dhawaan dhex-mari doona Madaxda Sare ee Dowladda & Dowlad Goboleedyada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post