1182 Views

Ciidamada dowladda oo goor dhawayd xirtay dhammaan jidadka soo gala Taalada Daljirka Daahsoon

Ciidamada dowladda oo goor dhawayd  xirtay dhammaan jidadka soo gala Taalada Daljirka Daahsoon
____________________________________________________________________________

April 27-2021

Wararka ka imaanaya Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada amniga ay xireen  dhammaan jidadka soo gala Taalada Daljirka Daahsoon oo ku taalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadi.

Wararka ayaa sheegaya In Ciidamada Dowlada ay halkaas ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo horleh oo ku aadan in ay Difacaan Mdaxweynaha waqtigiisa dhamaaday maxamed C/laahi farmaajo.

Ciidamada ayaa dhagxaan waa-weyn ku gooyey wadooyinka soo gala Taalladan oo u dhow dhismaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa goobta lagu arkayaa ciidamo badan oo ka tirsan kuwa loo yaqaano Duufaan iyo gaadiid dagaal oo la soo dhoobay halkaasi.

Dhinaca kale  shacabka ayaa billaabay barakac xoog-leh, waxaana degmooyinka laga qaxay ka mid ah Hodan, Howlwadaag, Warta Nabadda iyo Boondheere.


Office Nairobi Kenya

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post