981 Views

Ciidamada Galmudug oo dib u qabsaday magaalada Camaara ee Gobolka Mudug

Ciidamada  Galmudug oo dib u qabsaday magaalada Camaara ee Gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

Talaado:August 24, 2021

Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa dib u qabsaday duhurnimadii maanta magaalada Camaara ee Gobolka Mudug, halkaasi oo muddo kooban ay saaka soo galeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada dawladda ayaa lagu soo warramayaa inay haatan si buuxda gacanta ugu hayaan Camaara. Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa soo tebisay in duqayn cirka ah lala beegsaday maleeshiyada ururka Al-Shabaab, nawaaxiga Camaara saaka. Ilaa hadda dawladda Maraykanka oo gaysata inta badan duqaymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ma aysan xaqiijin duqayntaasi iyo inuu khasaare ka dhashay.

Wasiirka Warfaafinta ee Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa isaguna VOA u sheegay in dhinca cirka laga duqeeyey maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana uu beeniyey in ciidamda dawladda markii hore laga qabsaday camaara.

Sidoo  kale Al-Shabaab ayaa saaka weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah kusoo qaadday Camaara.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post