813 Views

Dowladda oo sheegtay inay xadideyso Ajaanibta soo gasha

Dowladda oo sheegtay inay xadideyso Ajaanibta soo gasha
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 2 2020—Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo faahfaahin ka bixyey ahmiyadda shirka laamaha hay’adda uga furmay caasimadda Galmudug, ayaa sheegay in ay uga muhiimsan tahay isku xirka hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha, si loo ogaado dhamaan dadka dalka kasoo galaya xuduudaha dhanka dhulka ah.

Agaasime koofi ayaa sheegay in ay aad uga shaqeeyeen bixinta baasa boorka hagaajinta, iyo sumcada baasaboorka, iyada oo la saxayo shaqooyinka lagu qoro baasaboorka, oo markii hore aheyd in qof walbo wixii uu doono iskaga qoran jiray, balse arrinkaas ay ku guuleysteen in ay saxaan sadexdii bilood ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay ku guuleysteen diiwaan gelinta ajaaniibta dalka soo galay, taasi oo qeyb ka ah dadaalada ay ku doonayaan in ay ogaadaan ajaaniibta soo gasha dalka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post